Gabaygan aadka qiimaha u leh waxaa tiriyey markuu bur-burka waddanku bilaabanayey 1990, Nuux Saciid Naxar, oo waardiye (ilaaliye) ka ahaa Baarlamaanka. Ulajeedada gabaygu waa: Hoggaan xun, wuu dhaamaa hoggaan la'aan. Waxaa tiraanyo leh, maanta 15-sano kadib inaad moodo dadkeena badankii intay miiska madaxa saarteen, inay xiisadda ka seexdeen.

Sugaanta meeeshaan la rabay waa nigaa sugaye,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaado…,

-==oo==-
Gabayga oo dhan sii akhriso..

Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa’ida’,
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede,
Waxaaan saxay waxaaan saadiyey iyo waxaan samayn doono,
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganayno,
Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye,
Saldanadiina adkaystaan lahaa yaan la saabiline,
Saracadaan lahaa labada webi dooxadaan sare’e,
Soomaali sidii aan la rabay diiday samahiiye,
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay,
Waa maxay sawaxaankiyo haddaba salawga yeeraaya,
Su’aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane,
Soddon qaad rasaastiis aan sinaba loo waayin,
Saqiir iyo toban jirkiinii sitaad nabad sugaysaane,
Safar la laayiyo naflahaan salashay laabtiisu,
Sanaadiiqda lacagta laga buuxiyee dibedda loo saaray,
Saqiir ooyi hooyada sawaxi oday gacamaha sayrin,
Sirqa baahan dhalinyaro sahwiday oo gaajo ay solatay,
Suuq ololay beesada sabayn aan qaar indhaha saarin,
Saraha dabaqa dheer Laanguruus nimanka saanyooday,
Safkayaga dhergaaya oon bulshada eegin siliceeda,
Seedaha sokeeyaha is jaray nabadda seerowday,
Sulfaha dhacay abaaraha sanqaray waxaakan sooyaamay,
Saddex Allifle Jannankii ka biqi yeyna soo maraye,
Sababaha dhibaatadan ku timid waa la soconaaye,
Soomaaliyey Kitaab beenah baa saan inoo galaye,
Saatirkeenna ma loo noqonayaa weyna saamixiye,

-==oo==-

Sugaanta meeeshaan la rabay waa nigaa sugaye,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaado !

Hoggaan xun ma ka dooran laheyd 15 sano oo qab & qac ah..?
Ka dhiibo ra'yigaaga..